Placeholder

Aragtida Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Noocyada Musuqmaasuq ee ka jira Puntland

Categories: ,

Product Description

“Araar Cilmi-baarsitan waxaa la sameeyay inta u dhaxeeysay December, 2015-April, 2016. Ujeedooyinka ugu waaweeyn ee Cilmi-baarista waxaa ka mid ah in la uruuriyo figradaha ay bulshadda qaybaheeda kaladuwan ka qabto noocyadda Musuqmaasuq ee wadankeena kajira. Sidoo kale Cilmi-baaristu waxay uruurisay qaybaha kaladuwan ee bulshadu sida ay uga qaby qaadan karaan yareynta Musuqmaasuqa ka dhaxjira Puntland. Xogta waxaa laga soo uruuriyay dad kala matalaya bulshadda qaybaheedda kaladuwan: Dowladda, madax dhaqameedka, culimada, bulshada rayidka ah, deeq bixiyayaasha iyo ururadda caalamiga ah ee ka howlgala Puntland. Dadka aan xogta ka soo uruurinay waxay dhamaantood walaac ka muujinayaan heerka uu marayo musuqmaasuqa guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland. Waxay dadku aad uga hadleen inay muhiim tahay in wax laga qabto waxyaabaha sababaya inuu musuqmaasuqu ku baaho bulshadeena sida: siyaasadda qabiilka ku salaysan; mushahaarka shaqaalaha Dowladda ee aan kufilayn; saboolnimadda baahsan; waxyeelada dhabta ah ee musuqmaasuqa oon bulshadu fahansanayn iyo maqnaanshaha qaab ay bulshadu ku ciqaabto qofkii uu ku cadaato musuqmaasuq. Cilmi-baarista ujeedadeedu waa qaabkii wax loo sixilahaa in la raadiyo iyo in la ogaado sida qaybaha muhiimka ah ee bulshaddu uga qaybqaadan karaan yareynta musuqmaasuqa.”

PDF: aragtida-qaybaha-kala-duwan-ee-bulshada-iyo-noocyada-musuqmaasuq-ee-ka-jira-puntland

Additional Information

Cinwaan

Aragtida Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Noocyada Musuqmaasuq ee ka jira Puntland

Faafiye/Daabace/Goob

Puntland State University, Garowe

Gu'

July 25 2016

Qore

Abdikadir Ahmed Warsame (Cilmi-baare), Deeq Abdirahman Warsame (Cilmi-baare), Dr. Abdalla Ali Duh (Hoggaamiyaha & La-taliyaha Cilmi-baarista)

Rugta

http://puntlandstateuniversity.com/media/wp-content/uploads/2016/11/FINAL-Book.pdf

Reviews

There are no reviews yet.

Be the first to review “Aragtida Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Noocyada Musuqmaasuq ee ka jira Puntland”

Your email address will not be published. Required fields are marked *